5 qodob oo soo dadajiyey fashilka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkaani danbe kordhaayay fashilka dhanka Siyaasada ka heysta Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud taasi oo inbadan ay su’aal iska weydiinayaan Siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya arrimaha Siyaasada Somalia.

Waxyaabaha soo dadajiyay Fashilka Madaxweyne Xassan inkastoo ay inta badan dadku wada garanayaan, hadana waxaa jira qodobo gaar ah oo tiir u ah fashilkaasi.

Qodobada Fashilka ayaa kusoo koobi doonaa ilaa 5-qodob waxaana kamid ah:

1-Miisaanka Siyaasada Somalia oo aan tankeeda/awoodeeda laga sheekeyn karin iyo Xassan Sheekh oo aan ka dhisneyn aasaaska Siyaasada.

2-Kalsooni la’aan ka heysata Siyaasada iyo aaminaanshiyaha shaqsiyaad isaga kasii liita marka la’eego dhanka Siyaasada.

3-Aqoontiisa yar ee Siyaasada oo saldhig u noqotay quudinta Ururo gaar ah, Akoon buuxsi iyo ku dhaqanka awaamir aan isaga kasoo bixin.

4-Kala saarid la’aanta waxa ay tahay Siyaasad iyo dhaqanraac, isaga oo arrin waliba oo markaasi taagan u cuskada ”Reer hebel sidaa ayaa dhaqan u ahaa” waa arrin Siyaasada aan sal ku laheyn.

5-Adeecid la’aanta Salaadiinta beelaha, bacdamaa aasaaska Dowlada uu noqday 4.5 oo soo dadajisay geerida soomaalida oo aan ula gol leeyahay in dhacdo waliba uu biyo dhaceedu noqday lamberka kor ku xusan.

Siyaasiyiin badan ayaa qaba in Siyaasada Xassan Sheekh ay kasoo reyneyso sidii hore, balse hormar la’aanta dhanka Siyaasada ka heysata ay tahay shaqsiyaadka ku hareereysan oo aan raali uga aheyn inuu guul ka gaaro Siyaasada.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xassan ayaa waxaa lagu xantaa in inta badan uu ka caga jiido in Somalia ay gaarto rajadii laga lahaa, taasi oo sabab u ah hoos u dhac ku imaankara mashaariicda ay Dowlada ku raadiso dhaqaalaha oo kamid ah in caalamka lagu indha sarcaadiyo in Somalia ay ku jirto xiligii ay u baahneyd beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com