Xog cusub: Guddoomiye Boorsaasni oo gacanta loo galshay warqad ay ku qoran yihiin 20 magac

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale “Boorsaani” ayaa lagu wadaa in gudaha asbuucaani uu xil ka qaadis ku sameeyo Agaasimayaasha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa la sheegayaa in muddo bil iyo bar ah uu ku dhex jiri doono isbedelada uu ku sameynaayo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lasoo warinayaa in iminka loosoo gacan galshay liis dheer oo ay ku xusan yihiin Mas’uuliyiinta bedeli laheyd kuwa iminka ay seefta dul saaran tahay.

Liiska loo dhiibay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa la tilmaamayaa inay ku qoran yihiin xubno la sheegay inay gaarayaan ilaa 20 kuwaasi oo ku imaan doona rabitaanka Xassan iyo xubnaha ka hoos shaqeeya.

Xubnaha lagu bedeli doono kuwa hadda xilka sida KMG ah usii haaya ayaa waxa ay u badnaan doonaan kuwo laga soo maanguuriyay Villa Somalia.

Agaasimayaasha maalmaha soo socda la bedeli doona ayaa waxaa booskooda qaadan doono shaqsiyaad ku dhow dhow Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.

Gudoomiye Boorsaasni ayaa isaga looga fadhiyaa kaliya inuu ku dhaqaaqo xil ka qaadista iyo magacaabida.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono marba haddii Siyaasada dalka loo rogay nin jecleysi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com