Ahlu-Sunna oo soo saartay amar aad u culus.!!

Muqdisho (Caasimada Online) — Go’aan kasoo baxay Maamulka Ahlusuna wal-jameeca ee Gobolada Dhexe, ayaa waxaa lagu mamnuucay in Idaacadaha ka howlgala deegaanada Maamulka uu ka arimiyo ay baahiyaan wararka la xiriira Maamulka Galmudug.

Kulan ay Ahlusuna u qabatay Milkiilayaasha Idaacadahaasi ayaa waxaa lagu wargaliyay in Maamulka uusan u dulqaadan doonin in Idaacadaha laga baahiyo warbixin ku saabsan Galmudug.

Mid kamid ah Agaasimayaasha ay la kulmeen Ahlusunna ayaa warbaahinta u sheegay in amar lagu siiyay inaysan baahin karin wax war ah ee Khuseeya arrimaha Maamulka.

Waxa uu sheegay in sidoo kale la faray in Idaacadaha aysan baahin karin fariimaha ku aadan wacyigelinta Dowladda Somalia ay u dirto Bulshada.

Maamulada warbaahinta ayaa lagu amray inaysan xayeysiis u sameyn karin dhaqtar aanan warqad ka wadan Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe.

Dhanka kale, amaradan ayaa u muuqda kuwa hor leh oo caburin ku ah Saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasha deeganada Ahlusuna ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com