Muungaab oo ku dhacay boholihii siyaasadeed ee loo qoday iyo hub ka dhigis lagu sammeeyey!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ku dhow dhow Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Hassan Mohamed ”Mungab”, ayaa sheegaya in Muungaab lagu sameeyay Hub ka dhigis.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Muungaab laga qaaday gaadiidka aan xabada karin oo uu isticmaalayay mudada uu Gobolka xilka ka hayay, sababo la xiriira xurgufta kala dhexeeysan Xassan iyo Gudoomiye Madaale.

Gaadiidka laga dhigay ayaa waxaa barbar socday Hub farabadan oo uu isticmaali jiray kuwaasi oo iminka lagu wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Mr Madaale.

Gaadiidka iyo Hubkii faraha badnaa ee uu isticmaali jiray ayaa waxa ay iminka isugu soo uruureen hal gaari nooca xabadu ay karto ah iyo 2 askari oo qura.

Qorshahaani xil ka qaadista ah ee lagu dibin-daabiyay Muungaab ayaa waxa ay soo jiitameysay ku dhawaad 5-bil, hayeeshee iminka laga gaaray dantii laga lahaa.

Geesta kale, Muungaab oo iminka guri aad u weyn ka iibsaday Magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, ayaa lagu wadaa in halkaasi uu ka dhigto saldhig.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com