Sawir qosol badan: Ethiopia oo koomo gashay iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu muujiyay Dowlada Ethiopia oo Koomo ku jirta, kadib markii ay saaxiib u noqotay kacdoono burburiyay kaabayaasha dhaqaale ee dalkaasi.

Dowlada Ethiopia ayaa la dhigay Isbitaal si ay uga soo kabato dhaawaca galiyay Koomada, waxaana booqasho ugu tagay Isbitaalka Siyaasiyiin Soomaali ah kuwaasi oo isku khilaafay inay ka tashtaan Ethiopia oo tacbaan ah iyo inay ka dhowr sugaan inta ay kasoo boganeyso.

Siyaasiyiinta booqashada ugu tagay Ethiopia ayaa waxaa loola gol leeyahay kuwa sida dhow ula shaqeeya Dowladaasi ee xogta iyo macluumaadka dalka ka iibsada.
koomo