Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa waxaa lagu cabiray sida Somalia looga dhaqmaayo Federaalka loo jideeyay, waxa uuna sawir gacmeedkaani kuu bidhaaminayaa in DFS iyo maamul Goboleedyada dalka ay seedaha dhulka uga siibayaan Geedkii Federaalka Somalia.
Dowlada Somalia ayaa horay u sheegtay inay qaadatay waxa loogu yeero Federaaliisimka, waxaana sidoo kale aqbalay maamulada dalka, iyaga oo ugu danbeyntii dhammaantooda go’aansaday in koox waliba ay Federaalka ugu dhaqanto sida ay u rabto.
Sawir Gacmeedkaani ayaa waxaa ka muuqda sawiro lagu kala matalaayo Dowlada, maamulada dalka iyo Siyaasiyiin jaraaya geedka si aan loogu anfacin Federaalka laga dhaqan galinaayo dalka.


