Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe ah inuu si qasab ah ku meel mariyo heshiiska doorashada 2016 ee xildhibaanada baarlamanka ay diideen.
Madaxweynaha ayaa ka quustay dadaalladii uu wada ee uu xildhibaanada uga dhaadhicinayo inay heshiiska ansixiyaan, kana tanaasulaan qodobka ay ku dheggan yihiin ee ah in gobolka Banaadir xubno laga siiyo aqalka sare.
Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha doonayo inuu soo saaro digreeto madaxweyne, kuna meel mariyo heshiiska, isaga oo ka tallaabsanaya xildhibaanada.
XIldhibaanada ayaan ka warhayn qorshahan cusub ee uu Xasan diyaarinayo.
Ilo-wareedyada ayaa Caasimada Online u sheegay in Xasan uu iska dhaadhiciyey in haddii uu heshiiska si qasab ah ku ansixiyo xildhbaanadu ay idaacdaaha ka qeylin doonaan toddobaad, kadibna wax walba caadi iska noqon doonaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

