Sawirro: Askarti P/L looga dhaawacay Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa rajo wanaagsan laga muujinayaa Caafimaadka ciidamadii Puntland ee dhawaan ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Bukaanada dhaawaca ah ayaa waxaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday wafdi ka socday maamulka Puntland oo uu hogaaminaayay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke.

Wasiirka ayaa warbixino ka dhegeystey dadkii gacanta ku hayey bukaanadaasi iyagoona usheegay inaanay daryeelkii ay filanayeen aanay ka helin Isbitaalka marka laga reebo wax xoogaa dhaymooyin ah welibana dhaawacyada badidooda aan halkaan waxba looga qaban karin.

Bukaanadaani ayaa waxa ay badi rasaasta kaga taalla qeybaha hore ee jirkooda waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kale oo risaasta ay kaga taallo qeybaha hoose ee jirkooda.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke, oo kulamo gaar ah la qaatay Wasiirada Caafimaadka DF iyo Saraakiisha Isbitaalka Digfeer ayaa dalbaday in wax muuqda laga qabto xanuunada haya Bukaanka, waxa uuna si gaar ah DF ugu baaqay inay oofiso ballantii bukaanadaasi lagu soo gaarsiiyay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
dhaawac 1

dhaawac 1

dhaawac 2

dhaawac 3

dhaawac 4

dhaawac 5

dhaawac 6

dhaawac 7