Xog: Wiil uu dhalay Xildhibaan Cabdi Xaashi oo shaqadiisa ku waayay arrin yaab leh iyo DF oo…

Muqdisho (Caasimada Online) Wiil uu dhalay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullahi oo lagu magacaabo Garyaqaan Kooshin Cabdi Xaashi kana mid ahaa shaqaalaha wasaaradda amniga qaranka ee JFS ayaa shaqadiisa ku waayay Aabihiis oo noqday mucaarad.

Arrintan oo si weyn looga hadal hayo dhammaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu suurto gashay Caasimada Online in aay baaritaan ku sameyso.
Caasimadda Online ayaa isku dayday in aay la xiriirto waxna ka weydiiso arrintan Wasiirka Amniga Qaranka Cabdirasaq Maxamed Cumar. Wasiirka ayaa diiday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababaha Kooshin looga eryay shaqadiisa.

Haddaba intaa kuma aanan ekeyn baaritaanka balse waxaan wareysiyo kala duwan la yeelanay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo madaxda wasaarada amniga, kuwaasoo naga codsaday in aanan magacyadooda la sheegin. Waxaa aay kulligood isku raaceen in Kooshin uu ahaa nin dhallinyaro ah oo aad u firfircoon shaqadiisana ka adkaa, waxaase filo waa ku noqotay markii aay maqleen in Wasiirka uu shaqada ka eryay.

Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa noo sheegay in Kooshin aanu wax danbi ah gelin balse Dowladda aay eedsatay Aabihii Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Caasimada Online oo isku dayday in aay la xiriirto Kooshin ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababaha uu shaqadiisa ku waayay waxaa uuna yiri “Aniga Shaqaale dowladeed baan ahaa, shaqadana waa lagaa eryi karaa waana lagu siin karaa, uma arko mana rabo in aan siyaasadeeyo, waayo sharaf iyo ixtiraam badan ayaan u hayaa wasiirka iyo wasaaradaba”

Mid ka mid ah madaxda agaasimaaya wasaaradda ayaa noo xaqiijiyay in booskii Kooshin lagu soo magacaabay nin dhallin yaro ah oo aay Wasiirka beel wadaag yihiin.
Waa ayaan darro hab dhaqanka foosha xun ee xukuumadda JFS waana arrin lagula xisaabtami doono.

koshin

Caasimada Online
Xafiiska Muqdish
caasimada@live.com