Xiriirka DFS iyo IGAD oo qarka u saaran bur-bur

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah oo aan ka helnay xarunta Madaxtooyada ee JFS ayaa noo sheegay xiriirka Soomaaliya iyo IGAD uu maraayo heerkii ugu hooseeyay abid, kaddib markii urur Goboleedka IGAD uu diiday Xasan Kheyre oo ah saaxiib aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh kaa soo loo magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee IGAD.

Xasan Kheyre ayaa ku soo fashilmay shirkadda SOMA OIL oo dhawaantay lagu eedeeyay musuqmaasuq baahay ayaa wuxuu madax ka ahaa NGO aay lahaayeen sirdoonka Norway oo lagu magacaabo Norwegian Refuge Counsil, inta aanu ku soo biirin shirkadda SOMA OIL & GAS.

Hassan Kheyre ayaa ku darsaday adduun dhan $2 Million oo dollar saamiga shirkadda SOMA OIL & GAS, waxaana ku socdo baaritaan aay ku wadaan dowladda Norway oo aaminsan in uu musuqay NRC intii uu ka ahaa madaxa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku dayaya in uu si xoog ah looga aqbalo in Xasan Kheyre uu noqdo safiirka Soomaaliya ee IGAD, waxaana arrintan si weyn isku hortaagay IGAD gaar ahaan kuwooda Itoobiya iyo Kenya oo arka in Xasan Kheyre uu yahay nin mayil adag una shaqeeya sirdoonka Norway.

Waxaa aad uga soo socda magaalada Muqdisho shirar aay isku hor fadhiyaan kooxda Damul Jadiid oo ka arrinsanaya wixii laga yeeli lahaa arrintan IGAD. Mid ka mid ah howl wadeenada Madaxtooyada ayaa noo sheegay in qaar ka mid ah saaxiibada Xasan Sheekh aay wadaan feker ah in Soomaaliya aay gebi ahaanba isaga baxdo urur goboleedka IGAD, halka qaar kalane aay rabaan in laaluush iyo xaal mastuur lagu qanciyo Gabre iyo Afeey.

La soco wixii soo kordha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com