25.1 C
Mogadishu
Friday, July 4, 2025

Qarax ruxay ADDIS-ABABA iyo khasaaraha oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegaya in halkaasi uu ruxay Qarax khasaaro kala duwan geystay.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay Bam gacmeed la sheegay in lagu weeraray masjidka weyn ee Anwar ee ku yaalla xaafadda Markaato ee magaalada Addis ababa.

Inta la ogyahay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 24 ruux oo u badnaa dadka masjidkaasi ku cibaadeysanaayay, waxaana jiro warar sheegaya in dhaawaca uu intaa kasii badan yahay.

Xubno ka tirsan Dowlada oo Qaraxa kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhashay dhaawac, balse uusan jirin wax dhimasho ah.

Qaraxa ayaa waxaa la soo warinayaa in Masjidkaasi uu ka dhacay xili ay dadka kasoo kala baxeen Salaada Jimco, waxaana halkaasi ka socday xiliga uu weerarka dhacaayay munaasabad diini ah oo ay dhigayeen maamulka Masjidka.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, waxaana jiro dad ay Ciidamada amaanka u qabteen Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News