XOG: DFS iyo maamullada oo maanta is-haya?!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho uu ka furmo shir u dhexeyn doona madaxda DF iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa la filayaa in diirada lagu saaro Hanaanka doorasho ee Somalia sanada 2016-ka ka qabsoomi doonta dalka.

Ujeedka shirkaani ayaa ah in leysku weydaarsado qaabka ugu muhiimsan ee loo dhaqan galinkaro doorashada dalka, iyada oo aan lagu furin wax tashwiish ah.

Qabsoomida shirkaani ayaa soo dadajisay kala aragti duwanaanshiyaha madaxda dalka ka heysta hanaanka doorasho ee 2016-ka, xilli shirka lagu go’aaminayo qaabka ay doorashadu u dhacayso 2016-ka.

Shirkaani ayaa daba socda shirar dhowr ah oo ka qabsoomay Muqdisho iyo Gobolada dalka kaasi oo intiisa badan lagu uruurinaayay ra’yiga shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda nooca doorasho.

Aragtida madaxda Gobolada dalka ee qabsoomida doorasho ayaa u qeybsan laba qeyb qeybta koowaad waxa ay madaxda Gobolada u ololeynayaan in doorashada Somalia ay noqoto qaab Nidaamka deegaan inay u dhacdo, halka qeybta kale ay doonayaan in doorashada dalka ay u dhacdo qaab 4.5 ah.

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa qaba in doorashada lagu qabto Nidaamka deegaanka,halka maamulka Koonfur Galbeed,Muqdisho illaa Cadaado ay qabaan in doorashada lagu galo Nidaamka 4.5.

Lama oga natiijada kasoo bixi doonta, inkastoo madaxweyne Xassan uu abaabul xoogan ugu jiro in doorashada Somalia ay noqoto qaab 4.5 ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com