Xildhibaano xaqiijiyey tuhun laga qabay in DFS…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano hore iyo aqoonyahano ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Musuq-maasuqa kusii dhex baahaya Hay’adaha DFS.

Xildhibaanada iyo aqoonyahanada ayaa sheegay in Musuqa ka taagan dalka ay kaalin weyn ka qaatan madaxda dalka iyo Hay’adaha DF kuwooda ugu awooda badan.

Ex Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa oo ka qeybqaadanaayay dood ka baxeysay Idaacada SMN ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in Musuq-maasuqa ka jira Somalia ay kaalinta koowaad kaga jiraan mas’uuliyiin ka tirsan DF.

Waxa uu sheegay in musuqa ka jira dalka ay sabab u tahay isla xisaabtan la’aanta heysata Hay’adaha Dowlada, waxa uuna eeda musuqaasi dusha u saaray Seddexda mas’uul ee dalka ugu sareysa oo ka jiiftay mas’uuliyadii saarneyd.

Musuqa sii baahaya ayuu sheegay in looga bixikaro kaliya in DF ay hesho Khubaro ku xeel-dheer arrimaha maaliyada oo qaabka ugu haboon u hirgaliso isla xisaabtanka.

Waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in DFS aysan maareynkarin maaliyada dalka, waxa uuna ku baaqay inay mudan tahay in marka hore meesha laga saaro isku tuur-tuurka ka dhex jira Hay’adaha DF, kadibna la helo jawi suuragalinkara in Madaxda DF iyo kuwa Hay’adaha ay ku wada fadhiisankaraan.

Sidoo kale, waxaa musuqaasi ka hadlay Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Daqare oo ka mid ah aqaanyahanada dalka ayaa sheegay in dhowrkii sano ee burburka dalka ay ka dhasheen xubno ka macaasha hantida Qaranka waxa uuna tilmaamay in habac sanaan ay ka jirto Hay’adda Dowladda dhexdeeda.

Wuxuu sheegay in meesha ay kamaqan tahay Nidaam maaliyadeed oo Dalka u dagsan taasi oo uu ku micneeyay in ay fududeysay musuqa ka dhex jira DFS.

Daqare waxa uu tilmaamay in hadda loo baahan yahay in DF ay marka hore yeelato Xubno khubaro ah oo ku xeel-dheer arrimaha maaliyada iyo isla xisaabtanka kuwaasi oo uu sheegay inay sabab u noqonkaraan in la helo nidaam cadaalad ku saleysan islamarkaana lagula xisaabtami karo Hay’adaha faragalinta ku haya dhaqaalaha dalka.

Wuxuu carab dhabay in baabi’inta musuqa ciribtirkeeda ay imaan karto in la helo midow dhexmara Shacabka Soomaaliyeed min caasimad ilaa Gobol oo uu ku tilmaamay in looga gudbi karo Musuq-maasuq iyo wax isdaba marinta ka jirta Dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee Cabdiraxmaan Daqare waxa uu aqoonyahaanada dalka ugu baaqay inay ogaadan in Somalia ay ka maqan tahay kaalintooda islamarkaana loo baahan yahay inay ka qeybqaatan xal u helida amaan darida iyo lunsashada lagu hayo Hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com