Mareykanka oo ku biiray mucaaradka Turkey-ga

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Ruushka uu shaaciyay in Dowlada Turkiga ay xiriir ganacsi Shidaal la leedahay Kooxda Daacish ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadashay Dowlada Mareykanka.

Adam Szubin oo ah Sarkaal sare oo katirsan wasaarada maaliyada Mareykanka ayaa sheegay in wasaarada maaliyada ay heshay xogo muujinaaya in xiriir fog uu ka dhexeeyo Daacish iyo Turkiga.

Adam Szubin oo u waramaayay Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa sheegay in baaritaankooda ay ku ogaaden in ganacsi shidaal oo dhan 40 milyan oo dollar uu ka dhaxeeyo Kooxda Daacish iyo Dowlada Turkiga.

Adam Szubin waxa uu sheegay in baaritaankooda ay muddo qaadatay balse ay xaqiijiyeen hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Rusia Putin kaasi oo ahaa in Dowlada Tukiga ay shidaalka kasoo iibsato Kooxda Daacish oo leh ceelo shidaal, sida warbixinta lagu xusay.

Wuxuu intaa ku daray hadalkiisa in Dowladaha Syria iyo Turkiga ay shidaalka ugu badan ka iibsadaan Daacish, wuxuuna tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya iminka uu yahay mid fog.

Si kastaba ha ahaatee, Nr Adam Szubin ayaa cadeeyay in Wasaarada maaliyada Mareykanka ay sii wadi doonto dabagalka ay ku heyso hadba halka uu gaarsiisan yahay xiriirka u dhexeeya Turkia iyo Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com