Xog: Qiyaanada deeq bixiyayaasha iyo madaxda

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax ayaa markii ugu horeysay wada jir u dhaliilay Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo dalalka Deeqaha bixiya ee dhaqaalaha ku taageera dowlada federaalka Soomaaliya

Sarkaalkaan wuxuu sheegay in Hay’adaha iyo dalalka deeqaha bixiya ay diidan yihiin inay wixii taageero ah dhigaan Bangiga dhexe Soomaaliya, ayna kasoo horjeedaan horumar buuxa oo uu gaaro dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Madaxda Dowlaada ayuu sheegay inay garab u siiyaan deeq bixiyayaasha inaan wax lacag ah la dhigin Bandgiga dhexe, si ay ugu sahlanaato iney musuq maasuq sameeyaan, sida uu sheegay hanti dhowrka qaranka.

“Hadii nidaamkii Dowliga ahaa aan la rabin taasoo ka mid ah in lacagaha bangiga Dowlada la dhigo wax kasta way imaanayaan sida wax is daba marin”ayuuu yiri

Mar uu ka hadlayay halka lacagaha la dhigo ayuu sheegay in Bagiga badalkiisa ay doorteen shirkada Xawilaada Dahabshiil oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo aan dowlada hoos tagin.

“ Dowladaha Kaalmada na siiya ma raban in Soomaaliya ay dib u soo laabato,maxaa yeelay ma ogola in waxay nasiiyaan la dhigo Bankiga dhexe ee Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Hanti dhowraha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com