Sawirro: Shariifka oo yeelanaya ciidan dumar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur galbeed ayaa bilaabay diiwaan galinta ciidamo cusub oo loo qaadan doono Boolis.

Ciidamadaani ayaa waxaa diiwan galinaaya Saraakiil ka tirsan Taliska Booliska AMISOM, waxa ayna tiradu ku egtahay 200 oo isugu jira rag iyo dumar.

Ciidamadaani ayaa loogu tallo galay inay ka hortagaan falalka lagu qalqal galinaayo amaanka magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deeganada uu maamulka ka taliyo.

Taliska AMISOM, ayaa horay u ballanqaaday in Maamulka Koonfur Galbeed ay u tababari doonto ilaa 600 oo askari, iyagoo la dagaalami doono waxa loogu yeeray nabadiidka.

Ciidamadaani ayaa waxa ay xerada tababarada kala wareegen ciidamo tiradooda lagu sheegay 200 kuwaasi oo bishii November tababar loo soo xiray.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
bay1

bay2

bay3

bay4

bay5

bay6

bay7

bay8

bay9

bay10

bay11