GALMUDUG oo duulaan ku ah deegaan kale oo Puntland ay maamusho iyo ciidamo badan oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Degmada Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhow ay fariisimo ka sameysteen Ciidamo taabacsan maamulka Galmudug.

Deegaanka Towfiiq ayaa waxaa iminka ku sugan Ciidamo taabacsan Galmudug kuwaasi oo la sheegay in halkaasi ay kawadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kaga soo horjeedan Ciidamada Puntland.

Ciidamadaani ayaa lasoo warinayaa inay doonayaan in ay qabsadaan Tuulooyin hoostaga deegaanka Towfiiq oo hadda ay ka arimiso Puntland, waxaana dhaqdhaqaaqaasi ka digay Maxamed Cabdulqaadir Axmed oo ah Gudoomiyaha Degmada Towfiiq ee maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Degmada Towfiiq Maxamed Cabdulqaadir Axmed ayaa sheegay in Galmudug ay wali ka adkaan la’dahay ciidamadeeda waxa uuna carabka ku dhuftay in xogo ay helayaan ay muujineyso in ciidamada Galmudug ay fariisimo ka sameysteen Tuulooyin dhankooda u badan, balse ay doonayaan inay gudaha usoo galaan qeybo kamid ah Towfiiq.

Sidoo kale, dhaqdhaqaaqa ay ciidamada Galmudug halkaasi kawadaan ayaa waxaa ka hadlay Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ah wasiirka Amniga Puntland, waxa uuna sheegay in ciidamada Puntland ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Galmudug.

Wasiirku wuxuu sheegay in arrintan ay carqalad ku tahay wada hadalkii Puntland iyo Galmudug.

Arrintaani ayaa walaac hor leh ku abuurtay maamulka Puntland waxaana suuragal ah in halkaasi uu mar kale ka dhaco dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com