Shirkad ganacsi oo uu lahaa UHURRO Kenyaatta oo albaabada loo laabay kaddib markii lagu…!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Tanzani ayaa qoray warbixin ku aadan in shirkad ganacsi oo uu lahaa Madxaweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta albaabada loo laabay.

Amar kasoo baxay Madaxweynaha cusub ee dalka Tanzania John Magafuli, ayaa Ciidamada amaanka dalkaasi la faray in ay albaabada u laaban Shirkad soo saarta Caanaha LTD oo ay leeyihiin qooyska madaxweyne Uhurro Kenyatta.

Shirkadaani ayaa waxaa lagu eedeeyay Musuq-maasuq la sheegay inay kula dhaqmeysay shacabka Tanzania, waxa uuna amarkaasi kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Tanzania.

Shirkadaani ayaa waxa ay Eeda ugu weyn kaga imaaday in Caanaha ay kasoo baakadeyso magaalada Nairobi kadibna ay u ganacsi geyso dalka Tanzania.

Talaabadaani ayaa saameyn ku yeelatay Madaxweyne Uhurro Kenyatta iyo qoyskiisa kadib markii uu hoos u dhac ku yimaaday Ganacsigii ay ka heli jireen dhaqaalaha badan.

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magafuli waxa uu amray in shirkadan caanaha ku baakadayso gudaha dalka Tanzania si dadka reer Tanzania shaqo uga helaan hadii kale aysan ka sii shaqeyn doonin dalka Tanzania.

Dhanka kale, waxaa talaabadaasi wali aan ka hadlin Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo Qoyskiisa oo dhaqaale adag kaga soo xaroota ganacsigaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com