Daawo sawirro qurux badan oo laga soo qaaday safaarada cusub Turkigu ka dhisayo Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gabogabo ah dhismaha Safaarada Cusub ee Turkiga ku leedahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Dhismaha Safaarada ayaa waxaa ka howlgala shaqalo kor u dhaafaya 70 ruux oo u badan Injineero Turkiyaan ah kuwaasi oo caawinaad ka helaaya kuwo fara ku tiris Somali ah.

Dhismaha Safaarada ayaa socda muddo 2 sano ku dhow waxaana iminka rajo wanaagsan laga muujinayaa in dhismahaasi lasoo afjaro inta sanadka cusub ka harsan.

Safaarada ayaa ku fadhisa ku dhawaad ilaa 26 boos waxa ayna dhinaca ku heysaa dakaddii hore ee magaalada muqdisho.

Marka la eego Safaaradaha Ajaanibta ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay Saafarada Turkiga noqoneysaa tan ugu baaxada weyn, inkastoo aan la ogeyn sida ay noqon doonaan kuwa kale ee la filaayo in dhismooyin lagu bilaabo dhawaan.
1

2

3

4

5

6