Kulamo gaar gaar ah oo Villa Somalia ka socdo & xildhibaannada sharuudo adag keensaday (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali la sugayaa inuu furmo kulankii u dhaxeeyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweynaha Jamhuuriyada si loo dhameeyo mooshinka laga gudbiyay Xasan Sheikh Maxamuud.

Wararka aan ka heleyno Villa Hargeysa ayaa sheegaya in wali uusan furmin kulanka maanta lagu balansanaa, waxaana laga baqayaa in markale uu baaqdo kulanka u dhaxeeyo labada dhinac ee mooshinka wada iyo madaxweynahaba.

Wararka aan ka heleyno Villa hargeysa ayaa sheegaya in xildhibaanada wada mooshinka aysan wali soo gaarin goobta la filayo in kulanka ka dhaco.

Waxaa goobta ku sugan xildhibaano badan oo taageersan madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida ay wax u dhici doonaan.

Gudoomiye Jawaari ayaa ku mashquulsan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xildhibaanada iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa socdo kulamo gaar gaar ah oo ay leeyihiin gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari iyo Xasan Sheikh kaasi oo albaabada u xiran yahay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa kulamo la leh xildhibaanada kala aragti duwan ee kala taageersan mooshinka iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa sharuud ku xiray ka qeyb galka kulankooda taasi oo ah in Jawaari uu ka laabto hadalkii uu dhawaan jeediyay ee ahaa inuu dhameeyay mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheikh.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.