XOG Rajo xumi ah oo kasoo baxeyso kulanka la filaayo inay wada qaatan Xasan & Mooshinleyda

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in is jiid jiid uu xiligaani ka dhexeeyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanadii Mooshinka waday.

Warar hoose ayaa sheegaya in Xildhibaanada aysan wali soo xaadirin Madasha uu shirka ka fuurmaayo waxaana la sheegayaa inay ka biyo diidan yihiin inay la fadhiistaan Madaxweyne Xassan iyo Guudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madasha ayaa waxaa la soo warinayaa inaysan joogin inta badan Xildhibaanadii mooshinka waday, islamarkaana tirada joogta aysan suuragal aheyn in shirka lala furo tirro yari awgeed.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka geeyay Madaxweyne Xassan oo madasha ku sugan ayaa Caasimada Online u sheegay in wali uu socdo xiriiro dhanka Telefoonada ah, islamarkaana ay diidan yihiin Xildhibaanada inay la fadhiistaan Madaxweyne Xassan iyo Jawaari oo cirka kusii toloy buuqa.

Waxa uu sheegay haddii ay Xildhibaanada fadhiga ka maqan ay suuragasho in laga soo qeybgaliyo kulanka uu furmi doono, haddii ay kusii adkeystaana ay suuragal tahay inuu shirka baaqdo.

Waxa uu intaa ku daray in shan meelood hal meel ay iminka soo xaadireen kulanka inta badana ay yihiin kuwa aan imaan kulanka.

Waxaa suuragal ah in markale uu kulanka baaqdo, amaba wakhti danbe uu qabsoomo, inkastoo rajo xumi laga muujinaayo qabsoomidiisa.

La soco wararkeena danbe wixii kusoo kordha Shirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com