Qorshe lagu bedelayo calanka Somalia oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Siyaasiyiin ka tirsan DF Somalia ayaa sheegaya in Dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay wadaan qorsho dib u habeyn loogu sameynaayo Calanka Somalia.

Qorshaha ayaa la sheegayaa in lagu doonaayo in lagu bedelo xidigta ku dhextaal calanka, oo laga nusqaaminaayo Gobolada ay labadaasi Dowladood ka heystaan Somalia.

Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee u dhuun daloola arrimaha Siyaasada ayaa sheegay in qorshahaasi ay kasoo horjeedan qaar kamid ah Dowladaha reer galbeedka oo iyagu diidan in wax laga bedelo astaanta lagu garanaayo Somalia, halka Dowladaha Ethiopia iyo Kenyana ay dadaal xoogan ugu jiraan sida ay ku hirgalin lahaayen arrinkooda.

Warar hoose ayaa sheegaya in qaar kamid ah Madaxda dalka ay qabaan in xiddigta calanka laga saaro Gobolada Somalia laga heysto.

Ujeedka ugu weyn ayaa lagu sheegay in Kenya iyo Ethiopia aan wax laga weydiin Goboladaasi ka tirsan Somalia, balse u afduuban labadaasi dal.

Madaxweynihii hore ee Kenya ayaa dhawaan shir ka dhacay Mareykanka ka shaaciyay in Kenya iyo Ethiopia marnaba aysan raali ka noqon doonin Somalia oo xasisho amaba ay ka dhalato Dowlad cagaheeda ku taagan.

Shirka ayuu ka sheegay in sababta ay u diidan yihiin xasilooni la’aanta ay tahay in Somalia ay sheeganeyso Gobolada ka maqan ee iminka raacsan Kenya iyo Ethiopia.

Arrintaani oo idil ayaa muujineyso in xasil la’aanta ka taagan Somalia ay sabab u yihiin Dowladahaasi iminka ku taamaya inay bedelaan calanka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com