La-yaab: MUUNGAAB oo ku soo xajiyey NAIROBI

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sanadkan ku fashilmay inay waajibaadka xajka soo gutaan kadin markii saacadihii ugu dambeeyay ay ka habsaameen.

Xasan Muungaab ayaa la sheegay in waqti danbe oo diyaaradihii xajka dhammaadeen uu Muqdisho ka baxay kadibna, Nairobi iyo Addis abab isu maray oo ka degay magaalada Jidda ee Boqortooyada Sacuudiga halkaasoo loogu sheegay inuu dhammaaday xilligii xujeyda saacado ka hor.

Arrintan ayaa ku kaliftay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu si qarsoodi ah intii xajka socday u dego magaalada Nairobi, halkaasina uu ku sugnaado intii uu xilliga ka dhammaanayay, iyadoo kadibna uu Muqdisho si heer hoose ah ugu soo laabtay, wuxuuna xajkiisii ku qaatay Nairobi.

Hore waxaa arrintan oo kale ugu dhacday Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo Dubai isku dayya inuu ka baxo balse ku xayirmay oo markii dambe Muqdisho ku soo laabtay xaj la’aan.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa intooda badan u tartama inay xajka tagaan sanad waliba waxayna rajo ka qabaan in dembiyada uu musuqa ka mid yahay ay ka dhaqi karaan cibaadooyinka Xajku ka mid yahay.

Isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com