XOG: Kenya oo xeelad cusub lasoo baxday si ay ugu guuleysato arrinta badda (Qorshe halis ah).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isi soo taray wararka sheegaya in Dowladda Kenya aay u qoondeeysay in adduun dhan $20 Milyuun oo doollar aay ku bixiso doorashada Soomaaliya ee sanadka 2016.

Haddaba, maxaa faa’iido ah oo ugu jira Kenya in aay adduun intaa la eg ku bixiso doorashada Soomaaliya ee 2016.

RW Soomaaliya Cumar Cabdirashid ma ahayn in mar labaad laga dhigo RW Soomaaliya. Arrinkan waxaa aad uga shaqeeyay Dowladda Kenya oo kaashaneysa ergeyga IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey, iyo ninkii turjubaanka u ahaa diplomaasiyiinta ka howl gala Safaaradda Mareykanka aay ku leedahay magaalada Nairobi, Jamal Xasan. oo hadda ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Waxaa dhowaan dowladda Kenya aay ku dhiiratay in aay codsi u gudbiso maxkamadda HAGUE oo aay taallo dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya ee badda. (Halkan Ka Akhir) Dacwadan oo haddii aay Soomaaliya aanay ka jawaabin loo badinayo in Maxkamadda gebi ahaanbaa aay laado dacwadda badda ee ka dhanka ah Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ku andacooneysa in Soomaaliya iyo Kenya uu dhex maray heshiisa (MoU) sanadkii 2009, kuna adkeysaneysa in dacwado tahay mid aan xalaal ahayn.

RW. Cumar Cabdirashid ayaa dhowr maalmood ku sugnaa Magaalada Nairobi intii uusan u anbabixin dalka Mareykanka. Waxaa uu RW shirar isdaba joog ah la lahaa masuuliyiinta dowladda Kenya wadahadalaas oo la sheegay in la xiriirto arrinta Badda.

Caasimada Online oo ayaa ilo wareed aad loogu kalsoon yahay waxa aay sheegeen in RW Cumar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalan Hadliye labaduba aay u ololeynayaan sidii loo hakin lahaa in Dowaladda Soomaaliya aay jawaab ka bixiso eedeymihii aay Kenya u dirtay Maxkamadda HAGUE.Haddaba waa maxay sababta? (Halkan Ka Akhri)

Labadan masuul RW Cumar iyo Wasiir Hadliye, ayaa labada hanti iyo guryo ku leh Kenya, Waxaa intaa dheer in RW Cumar uu u ahaa dowladda Kenya “Consultant” mushaarna ka qaadan jiray intii aanu mar labaad noqon RW. Wasiir Hadliye ayaa la sheegayaa in dowladda Kenya aay ku hayso “BLACKMAIL” waxaa aay ka hayaan siro badan oo shaqsi ah, kuwaaso aad uga baxsan dhaqanka iyo diinta islaamkaba.

Waxaa iyana jirta inta badan xildhibanada JFS aay hanti iyo ganacsiyo ku leeyihiin dalka Kenya, oo iyagana loo goodinayo in haddii aay ka hadlaan arinkan aay waayi doonaan hantidooda lana xiri doono ganacsigooda.

Waxaa dad badani aay muujinayaan walaaca aay ka qabaan kiiska badda Soomaaliya iyo hannaanka sharci iyo maamul, iyadoo loo badaniyo in aanay dowladda JFS aanay ka jawaabi doonin cabashada Kenya aay u gudbisay maxkamadda HAGUE.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jamal Xasan ayaa waxa uu cadaadis ku saaraya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo RW Cumar labadaba in aanay wax jawaab ah ka bixinin kiiska Kenya aay u gudbisay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com