Daawo Sawirrada musiibadii ka dhacday Ankara

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkabadan 30 ruux ayaa ku dhimatay laba Qarax oo ruxay magaalada Ankara ee caasimada Turkiga.

Qaraxyada oo aad u xooganaa ayaa waxa uu dhacay xili muwaadiniinta dalkaasi ay isugu soo baxeen Banaan-baxyo nabadeed, waxaana mar qura laga war helay Qaraxyo wax yar un u dhexeeyay.

Warbixin ay soo saartay Wasaarada arrimaha Gudaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in dhaawaca la geeyay xarumaha caafimaadka ay gaarayaan ilaa 125 ruux oo ay suuragal tahay in khasaaraha uu intaa kasii bato.

Banaanbaxa socday xiliga Qaraxyada ay dhacayeen ayaa waxaa loola gol lahaa in lasoo afjaro Dagaalada u dhexeeya ciidamada amaanka Turkiga iyo kooxda Kurdish-ka ah ee PKK.

Wali lama sheegin cidda ka danbeysay Qaraxyada, waxa ayna Ciidamada Dowladu wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan cida soo maleegtay Qaraxyada.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11