Arrin cajiib ah: Ido la gowracay oo lagu daadiyay eeryada Xarunta Degmada Howlwadaag + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online)-Dadka degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa saaka kusoo tuusay Ido gowracan oo min labo loo dhigay waddooyinka.

Idahaan oo labo labo isku garabyaal ayaa la sheegay in la dhigay inta badan waddooyinka Degmada, gaar ahaan eeryada Xarunta Degmada, waxa ayna arrintaan qalqal iyo dareen gaara ku abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Degmada.

Neefafkan gowracay oo labo labo leysku garab dhigay ayaa midna loo dhigay sida neef fadhiya, halka kan kale lagarab jiifiyay sida neef jiifa.

Dhacdadaan oo ah mid ku cusub dadka deegaanka ayaa waxa ay ka dhacday Waaxda Sayidka oo ah waaxda ugu amniga badan marka la’eego Degmada inteeda kale.