Gaadiid dagaal iyo Ciidamo farabadan oo ku qulqulaaya Nawaaxiga Tukaraq & Xaalada oo cakiran

Garoowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo abaabul dagaal hor leh oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in maamulada Puntland iyo Somaliland ay saaka ciidamo badan ku daabulayaan  deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Labada dhinac ayaa ciidamada ku daabulaaya duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi, halkaa oo laga sameeyay Saldhigyo lagu uruuriyo ciidamada iska soo horjeeda ee gurmadka ah.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya inuu jiro dhaqdhaqaaq labada dhinac ah, isla markaana xili walba la filan karo dagaal dhex mara labada dhinac, iyadoo shacabkii ku dhaqnaa deegaanka Tukaraq ay kol hore bilaabeen iney isaga barakacaan halkaasi.

Sidoo kale, Maamulada iyo Saraakiisha labada dhinac ayaa warbaahinta isku marinaaya hadalo colaad abuuri kara, mid walbana wuxuu sheegayaa inuu deegaankiisa difaacayo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xiliyada qaar dhacaaya rasaas u muuqda in labada dhinac ay isku maqashiinayaan joogitaankooda iyo inay ku jiraan heegan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com