Gudoomiye Taabit oo lagu Sharfey in uu Internatianal Bankiga Somalia (IBS)  Gudoonsiiyo Abaalmarinta Sannadka 

Muqdisho (Caasimadda Online) – Munaasabad Agaasinkeedu aad u Sareeyey islamarkaana ku saabsan Qiimeynta Shirkadaha Ganacsiga iyo Bangiyada ayaa lagu qabtey Magaaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir , Ganacsato, Madaxda Bangiyada, Shirkado iyo Marti Sharaf .

Qiimeyntaan oo ay Sameysey Xarunta Somali Annual Business Awards (SABA) ayaa Ujeedkeedu ahaa sidii loo ogaan Lahaa Waxqabadkii Shirkadaha Ganacsiga iyo Bangiyada ee Sannadkii la soo dhaafey iyo sidii Qiimeyntaas ay Dhiiragelin ugu Noqon  lahayd Dhamaan Shirkadaha Ganacsiga iyo Bankiyada .

Ugu horeyn waxaa Halkaas ka Hadley Masuul ka socdey Xarunta SABA waxaana uu u Mahadceliyey intii  kala qayb qaadatey Qiimeyntaas islamarkaana xarunta u Fududdeysey isagoo Hoosta ka xariiqey in Ujeedka Qiimeynta Sannadka ay Tahay in Bulshada Soomaaliyeed ay ogaato Waxqabadka Shrkadaha Ganacsiga iyo Bankiyada.

Xubnihii kale ee ka Hadley Qiimeyntaas ayaa waxaa ka md ahaa wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Saciid Cawad waxaana uu u Mahadceliyey Xaruntii soo qabanqaabisey Qiimeyntaa sidoo kale waxa u Mahadceliyey Shirkadihii iyo Bankiyadii galey kaalimaha hore wuxuuna Si gaar ah ugu Mahadceliyey Bankiga IBS oo Sannadkii labaad la gudoonsiiyey Abaalmarinta Sannadka ee Bakiyadda

Gudoomiyaha Gobolka  Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa u Mahadceliyey intii isku soo qaban qabisey  gaar ahaan Xarunta SABA oo uu sheegey in ay Qabatey Howl muhiim sidoo kale waxaa u Hamabalyeeyey International Bank Somalia IBS oo Noqdey Horyaalka Bankiyada Dalka

“Abaalmarintaan waxay na Tuseysaa Horumarka ay Marba marka ka dambeysa ku talaabsaneyso Magaalada Muqdisho  Waxaan u Hambalyeynayaa Dhamaan Shirkadihii kala duwanaa ee la  Gudoonsiiyey  Abaalmarinta  waxayna tahay haddii la Bixiyo Abaalmarin  ama Qiimeyn la sameeyo  waa Dhiiragelin si Shirkadaha iyo Bankiyada ay u sii Karaar Qaataan” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed  oo sheegey in ay imaaneyso la Xisaabtaan iyo Daahfurnaan

“Waxaan Bankiga IBS oo Abaalmarinta ku heley Kobcinta Ganacsiga yar yar u soo jeedinayaa in Haweenka ay ka dhex muuqdaan ganacsigaan maadaama ay yihiin Xoog Muuqda sidoo kale waxaan Bankiga IBS u soo Jeedinayaa in ay Dhiirageliyaan dadka dan yarta si uu Ganacsigooda u Hormara” ayuu yiri Gudoomiye Taabit

Halkaan ka Daawo Munaasabada Abaalmarinta