Fannaanad caan ka ahayd Soomaaliya oo ku geeriyootay dalka Canada

Toronto (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Dalka Canada ayaa sheegaya in fanaannadda caanka ahayd ee Khadiija Cabdullahi Dalays ay saaka ku geeriyootay dalkaas.

Khadiijo Dalays waxaa ay sanadkii 1936dii ku dhalatay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay,waxaa ay ahayd gabadhii ugu horreysay ee ka heestay Radio Muqdisho.

Khadiijo C/llaahi Daleys ayaa ka mid aheyd fanaaniinta Hobolada qaranka Waabari, waxaana lagu xusuustaa heeso caan baxay oo ay ku luuqysay.

Fanaanadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsaneysay, waxaana la sheegay inay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

7dii Bishii la soo dhaafay waxaa iyana Magaalada Hargeysa ku geeriyootay Shamis Abuukar oo loo yaqaannay Guduudo Carwo,taas oo iyana ahayd fanaanaddii ugu horreysay ee ka heestay Radio Hargeysa.

Dalays heesaha ay qaadday waxaa ka mid ah heesta “Muruqiinna maaloo dhulka mira ku beeroo,macdanta biyaha,muujiya wanaaggaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com