Arrin caqabad ku aheyd Soomaalida ku nool dalka Suudaan oo xal loo helay

Khartoum (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kaashanaysa hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay ka jawaabidda iyo xal u helidda caqabad haysatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku guuleysatay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas laga dhaafo lacagta degenaanshaha, lacagta ganaaxa iyo lacagta kaararka shaqada.

Go’aankan oo dhaqan galay 10 casho ka hor, ayaa ku yimid iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kala dhexeeya Dowladda Suudaan, waxayna labada Dowladood isla garteen in muwaadiniintooda ku kala sugan Labada Dal ay ugu adeegaan si siman, iyada oo laga cafinayo dhammaan kharashaadkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka hadashay tallaabada ay Dowladda Suudaan garab istaaga ugu muujisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa uga mahadcelisay go’aankaan.

“ Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay uga mahadcelineysaa Dowladda Suudaan garab istaagga ay u muujiso dowladda Soomaaliya iyo fursaddan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 7 kun oo arday ah iyo 300 oo qoys oo Soomaali ah oo ku dhaqan dalka Suudaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan muwaadiniin Soomaaliyeed oo aad u tiri badan kuwaas oo isugu jiro Ardayda, Ganacsato iyo kuwa kale oo dano kale dalkaas u joogo.

Qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada oo ka hadlay tallaabada ay qaaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa aad usoo dhaweeyey waxayna sheegeen inuu heshiiskaan ka fududeyn doono culeysyo badan oo heystay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii