Saciid Deni oo xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Bari + Sababta

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa soo saaray dikreeto uu ku bedelay Guddoomiyihii gobolka Bari, isagoo magacaabay guddoomiye cusub.

Madaxweyne Deni ayaa dikreetadaan ku sheegay in go’aanka lagu bedelay guddoomiyaha ay soo jeedisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxuuna guddoomiyaha cusub ee Gobolka Bari u magacaabay Cabdirisaaq Cali Siciid.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa 11-kii bishii Agoosto ee sanadkii tegay waxuu ku guuleystay inuu ka mid noqdo xubnaha dooran ee gobolka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Magaacidda guddoomiyahaan cusub ee gobolka Bari waxay ku soo aadeysaa, xilli magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Boosaaso ay marti gelineyso xiisad gaartay gacan ka hadal oo u dhaxeysa Madaxweyne Saciid Deni iyo hoggaamiyaha ciidanka PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Isimada dhaqanka Puntland ayaa habeeno ka hor soo saaray qoraal loo fasirtay inay Jeneraal Maxamuud Diyaano kula safteen, kaas oo madaxweyne Deni loogu soo jeediyey inuu hoggaanka hey’adaas u daayo Sarkaalkii uu horay uga bedelay ee Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Hase yeeshee soo jeedintii Isimada waxaa xalay ka soo hor jeestay madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, wallow Ra’iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo qoraalkaas ku saxiixnaa uu dib ka soo saaray qoraal uu isaga beri yeelayo, taas oo xiisad hor leh ka dhex abuurtay masuuliyiintaas oo 15 cisho Boosaaso u joogay xal u raadinta khilaafkaas.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii