Daawo: Khilaaf ka dhex-qarxay Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa banaanka u soo baxay khilaaf ka dhex qarxay madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo dhinac ah iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Masuuliyiintaan oo 15 cisho ku sugnaa magaalada Boosaaso, ayaa xalay soo saaray bayaan ay ku diideen qodobadii Isimada dhaqanka Puntland ay soo jeediyeen in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo sarkaalka hoggaamiya ciidanka PSF ee Maxamuud Diyaano.

Bayaanka oo xalay ay baahisay Caasimada Online waxaa ku wada saxiixnaa Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, balse waxaa iska fogeeyey Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri, “Bayaan loo qaybiyey war baahinta laguna sheegay inuu kasoo baxay wafdi aan ku jiray ayaan wax ka oran. Waxaan cadayn inaan la igalana tashan oo aanan qayb ka ahayn Bayaan kan soo baxay iyo hadalada uu xambaarsana. Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa dan u ah.”

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid ay dacwo ka yihiin, isagoo shaaciyey in bayaanka ay ka talo geliyeen inta aysan soo saarin, balse markii ay soo saareen uu ka hor yimid.

Faroole oo hadda ah Senator ka tirsan golaha dooran ee Aqalka Sare ee baraalamaanka federaalka ayaa yiri, “Cumar dacwo ayaan ka nahay ee ama dadka ku soo dara, ama siyaasad dambe yuusan ka hadlin oo isagoo Ra’iisul wasaare u sharaxan yaanaa arkin.”

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in Cumar Cabdirashiid ay shalay ku war-geliyeen in bayaankaas ay soo saari doonaan, balse ay aad u dhibsadeen markii uu ka daba hadlay oo bulshada uu u sheegay in laga been abuurtay oo bayaankaas uusan wax ka soo saarin.

“Cumar waa naga soo tegay oo Garowe ayuu soo aaday, anaga howshii xal-raadinta ayaan sii wadnay, shalay waxaan ku war-gelinay in qoraal aan soo saari rabno, waana naga aqbalay, balse saakay waxaan ku waabareysanay isagoo leh anigu kuma jiro, in Cumar naga daba hadlo fool-xumo ayey nala noqotay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Hoos ka daawo Faroole

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii