Arrin cusub oo kasoo korortay ciyaaraha M/Goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku aadan tartanka xiiso leh ee maamul goboleedyada oo shalay si rasmi aj uga furmay garoonka weyn ee Stadium Muqdisho.

Tartankan oo u dhexeeyo maamul goboleedyada, marka laga reebo Puntland iyo gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu bilaabay Galmudug iyo HirShabelle oo barbaro 1 iyo 1 galay.

Guddiga Farsamada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa ugu horreyntii raaligelin buuxda siiyay taageerayaashii shalay garoonka tegay, balse aysan u suuragelin inay daawadaan ciyaartaasi, maadaama kumaan kun ay buux dhaafiyeen Stadium Muqdisho.

“Guddiga farsamada iyo tartamada ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS waxay raaligelin buuxda siinayaan dhamaan taageerayaasha Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir iyo Dhamaan bahda Sports-ka ciladihii farsamo iyo daaha ciyaarta galabta ku timid , sidoo kale waxay si khaas uga raaligineynaan taageerayaashii galabta u saamixi weysay inay daaawadan tartanka ayaga oo Tikityo soo Jartay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta.

Sidoo kale Xiriirka ayaa sheegay in haatan muddo laba maalmood ah dib loo dhigay jadwalka tartanka oo ay galabta ku ballansanaayeen Gobolka Banaadir Galmudug, kuwaas oo ugu dambeys is arki doona maalinta Isniinta ee soo socota.

“Waxa uu  idin Ku Wargelinayaa in Cayaarta Beri Ee  Banaadir VS Koonfur Galbeed  dib loo dhigay  lana Cayaari Doono Maalinta Isniinta 1da Janaayo 2024” ayaa mar kale lagu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu xiriirku ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan taageerayaasha inay u diyaar garoobaan tartamada kale ee xiisaha leh.

“Sidaas daraadeed waxaan ku rajaweynahay in aad sidii aan horay idinkaaga baranay aad usoo diyaar garoobi doontaan” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.