Arrin cusub: Senator ka qeyliyay is faquuq ka dhex jira golaha Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan is garuubeysi Siyaasadeed iyo mid qabiilba uu ka dhex jiro golayaasha dalka, ayaa waxaa soo baxaaya eedeymo taa la xiriirta oo loo jeedinaayo Guddoonka Aqalka Sare ee Somalia.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa waxa lagu eedeeyay inay kala sooc ku sameeyan Senatorada ka tirsan Aqalka Sare, isla markaana soo dhaweysta qaar kamid ah, halka qaarna Guddoonka uu faquuqo.

Senotar Cabdikariin Maxamed Xasan oo katirsan Golaha Aqalka Sare, ayaa kamid ah Senatorada ka cabanaaya habdhaqanka Guddoonka Aqalka Sare.

Senotar Cabdikariin, ayaa Guddoonka Golahaasi ku dhaliilay in ay kala xulasho ku sameynayaan Senetarada, taa oo keentay is faquuq ka dhextaagan Golaha.

Senotar Cabdikariin, waxa uu arrintaas ku tilmaamay mid Cadaaladda Ka fog, maadaama uu sheegayo in Xubnaha ay isku golaha yihiin in la kala sareysiinayo, qaarkoodna lasoo dhaweynayo, halka qaarka kalane gooni loo riixayo.

‘’Marka dhaqankeena la eego maba mudnin inaan matalno shacab Soomaaliyeed, waayo anagii nala wakiishay ayaa ka dhamaan’la is faquuq iyo is riixriix aan sabteeda la ogeyn’’

‘’Guddoonkii ugu sareeyay ayey ka qurunsan tahay arrinta waayo dhankooda ayey ka soctaa dhibaatada waxaan ugu baaqi lahaa inay ku dhaqmaan cadaalad iyo sinaan iskana dhaafan kala geynta iyo is garabsishada lagu hayo Senetarada’’

Senotar Cabdikariin, ayaa Guddoonka waxa uu ka dalbaday in ay Cadaaladda ku dadaalan, maadaama loo xushay inay dhex dhexaad ka noqdaan dhammaan howlaha taagan.

Sidoo kale, Senotar Cabdikariin ayaa carabdhabay in eedeymaha ceynkaani ah loo tiiriyo keliya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo kaliya, hase ahaatee ay ka daranyihiin kuwa kale.

Waxa uu Senatorka sheegay in dadka eedeynaaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha aysan arag Guddoonka Golaha Aqalka Sare, loona baahan yahay in ay wax ka qabtaan Marka hore.

Haddalka Senotar Cabdikariin, ayaa imaanaya xili is riixriixa iyo is faquuqa Siyaasadeed uu yahay mid kusii dhex baahaaya dhammaan Xafiisyada dowlada, gaar ahaan Hay’adaha ugu waaweyn dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com