Xog: Maxaa kala sooctaa qorshaha socdaalka Kheyre ee magaalada Hobyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ayaa maanta lagu wadaa inay u ambabaxaan magaalada Hobya ee gobolka Mudug.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa safarka ku wehlin doona Wasiiro, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan Villa Somalia.

Safarka ayaa waxaa qeyb ka noqon doona qaar kamid ah Danjirayaasha Beesha Caalamka u fadhiya Somalia, oo iyaguna qeyb ka noqon doona socdaalka Kheyre.

Ra’isul wasaare Kheyre, ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo dib udhis lagu sameeyay.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul wasaare Kheyre goobjoog ka noqon doonaa mashaariic kale oo halkaasi laga hirgalinaayo, iyadoo sharaxaad laga siin doono hanaanka lagu socodsiin doono Mashaariicda.

Kheyre iyo Wafdiga uu Hoggaaminaayo ayaa sidoo kale lagu waddaa inay kormeer ku tagaan Dekedda Degmada Hobyo.

Sidoo kale, Guddiga Gob oo dhisay Wadada iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tagitaanka Hobyo ee Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Docda kale, Wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa dhisay Bulshadda kunool gobolka Mudug, waxaana dhismaheeda uu socday Sanado badan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com