Madaxda dalalka deriska oo shir degdeg ah ka yeelanaaya xaalada Somalia iyo khilaafka Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta uu magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu ka furmo kulan u dhexeyn doona Madaxda dalalka deriska la’ ah Somalia.

Kulankaan oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda dalalka Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka dariska la ah Somalia.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa marti galiyay kulanka waxaana la filayaa inay ka qeybgalaan Madax dhowr ah oo uu kamid yahay Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uuna khudbad ka jeedin doonaa kulanka.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiyi Axmed ayaa booqashadii ugu horeysay waxa uu shalay gelinkii dambe ku tegay Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Abiyi Axmed ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga Caalamka Monica Juma, Wasiirka Shaqaalaha Ukur Yattani iyo Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Mbuvi Sonko.

Ra’isul wasaare Abiyi Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wada kulmi doona Isniinta maanta ah sida ay xaqiijisay Madaxdtooyada dalkaasi.

Kulanka waxaa uu socon doonaa Muddo labo maalmood ah, waxaana lagu waddaa gabagabadda in laga saaro qodobo ay ka mid yihiin Shaqadda Ciidamada AMISOM ay ka waddaan Soomaaliya.

Dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa aad uga walaacsan xooliga ay ku socto dowlada Somalia oo iyadu aad uga soo horjeeda faragalinta kaga imaaneysa dowladaha Deriska la ah Somalia.

Sidoo kale, Kenya iyo Ethiopia ayaa horay walaac uga muujiyay faragelinta arrimaha gudaha ee ay dowladda Imaaraadka ku heyso Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Kenya oo dhowr jeer arrintan ka hadlay sheegay in dalalka qaar ay dhabar jebin ku hayaan guulaha ay AMISOM ka gaartay Soomaaliya.

Dhinaca kale, Kulankaan ayaa waxaa qodobada looga hadli doono waxaa kamid noqonaaya faragalinta ay Imaaraadka ku heyso arrimaha Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com