Senatorada Aqalka Sare oo ka cabanaaya galista xarunta Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin kala duwan oo xiligaan ay kala kulmaan galitaanka Xarunta Villa Somalia.

Senatorada qaar ayaa sheegay inay aad ugu adag tahay inay gudaha u galaan Xarunta Villa Somalia ama ay la kulmaan Madaxda ugu sareysa dalka, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka danbeysa.

Waxa ay tilmaameen in Villa Somalia aan laga garaneynin qiimaha Senatorada, halka laga qadariyo shaqaalaha kale ee dowlada, taasina ay tahay mid ka fajacisay.

Xukuumada Somalia ayey sidoo kale sheegen inaysan aqoon Aqalka Sare isla markaana ay ula dhaqanto si aan mas’uuliyad aheyn.

Sanotarada Aqalka Sare ayaa intaa ku daray in xiliyada qaar ay la kulmaan dhibaatooyin iyo bahdil cad oo ku tallo gal ah, hase ahaatee Madaxtooyada iyo Xukuumada laga doonaayo inay cadeeyaan eeda loo qabo.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayay sheegeen in ay ka hor istaageen shaqooyin dastuurku u idmaday.

Cabashada Sanatorada Aqalka Sare ayaa imaaneysa xili inta badan Madaxda ugu sareysa dalka ay yihiin kuwo iska ilaaliya la kulanka Xildhibaanada labada Aqal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com