Ugandha oo si rasmi ah u qaadacday qorshe muddo soo socday oo ay isla wadaan DF iyo QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Militeriga Ugandha ayaa qaadacay qorshaha lagu doonaayo in lagu dhimo Tirada Ciiddanka Nabad-ilaalinta AMISOM.

Taliska ayaa sheegay in waxbadan uu ku dheeli doono qorshaha socda ee lagu dhimaayo ciidamada, sidaa aawgeed la doonaayo in laga laabto.

Dhimista ciidamada ayey sheegen inay keeni doonto guul darro ku timaada dadaalka loogu jiro Degaanaanshaha Somalia.

S/Guuto Paul Lokech oo ka mid ah Taliyayaasha Ciiddanka Uganda ee ka howlgala qeybta AMISOM ayaa sheegay in Ugandha aysan xiligaan diyaar u aheyn inuu guul dareysto Howlgalka AMISOM.

Paul Lokech, waxa uu sheegay in guul daradu ay tahay mid imaankarta keliya tirro dhimis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, xili la doonaayo in la kordhiyo ciidamada.

Paul Lokech, oo laa hadlay Wargeyska new vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa sheegay inaysan farri ka qodnayn sidii ay Ciiddanka Somalia ugu wareejin lahaayeen Mas’uuliyadda Sugidda Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

Sidoo kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa  tilmaamtay AMISOM sidii loo bilaabi lahaa dhimista Ciiddanka AMISOM, iyadoo ay 1,000 Askari mar hore dib loogu celiyey dalalkooda hooyo.

Qorshaha Qaramada Midoobay ayaa ah in gabi ahaan amniga Somalia si buuxda loogu wareejiyo ciidamada amaanka Somalia.

Dhinaca kale, AMISOM oo doobeysa inay wakhtiga sii dheyreesato ayaa ku hadaaqeysa in Somalia aysan weli gaarin heer loogu wareejin karo amniga guud ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com