Arrin cusub: Turkiga oo ciidamadeeda cirka iyo bada u rareysa Qadar & Khaliijka oo walaacsan

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahisay warbaahinta Ankara waxaa lagu wadaa in dhawaan ay Dowlada Turkiga ciidamadeeda cirka iyo kuwa bada ay u daadgureyso dalka Qatar.

Warbahinta oo xiganeysa Saraakiil ka tirsan dowlada Militeriga ayaa sheegay in ciidamadaasi la geyn doono Saldhig Militery oo looga sameeyay dalka Qadar.

Ciidamada loo daadgureyn doono dalkaas Qadar ayaa Saldhiga ka sameystay duleedka magaalada Doxa, kaa oo qaadi doona ilaa 5kun oo askari.

Fikret Ozer oo ah Safiirka Turkiga u fadhiga dalka Qatar, ayaa dhankiisa ka sheegay in dowlada Turkiga aysan hada shaacin doonin xiliga ay ciidamadaasi ku soo beegan yihiin Doxa, balse uu socdo diyaar garow.

Dowladaha Khaliijka ayaa horay walaac uga muujiyay dhaqdhaqaaqa militari ee Turkiga ka wado dalka Qatar. Saldhiga Turkiga ee Doxa ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay Turkida ka sameystaan dalalka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga oo saldhig ku leh dalka Somalia ayaa bishii December ee sanadkii tagay heshiis kula galay dowlada Sudan inay saldhig ka sameysan doonaan jasiirada Suakin oo ku taal badda cas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com