Arrin cusub: Turkiga oo Somalia uga aargooynaya dowlada Imaaraadka & Dagaal Twitter-ka ah oo bilowday (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen Telefeshinada dowladaha Carabta waxaa Axadii shalay aheyd dagaal afka ah uu dhexmaray dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhexeeyay mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dal kuwaa oo isweydaarsaday hadalo kulul kadib markii diblomaasi sare oo Abu Dhabi uu ku eedeeyay xukuumada Ankara inaysan ixtiraameynin madaxbanaanida dowladaha Carbeed ee dariska la ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray erayo ay kamid ahaayen ‘’xiriirka Carabta iyo Turkiga ma aha mid aad u wanaagsan”.

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Dowlada Ankara ma ixtiraanto madaxbanaanida dowladaha carabta, waxaanu ka dalbaneynaa in Ankara ay nagu tixgaliso madaxbanaanideena’’.

‘’Waxa ay nagu heysaa Ankara faragalin dhan waliba ah, waxaanu ku baaqeynaa inay madaxbanaanida u ogolaadan carabta’’

Baarlamaanka Turkig ayaa sidoo kale sheegtay in Imaaraadka laga doonaayo in si lamid ah ay madaxbanaani usiiso dowladaha ay kamidtahay Somalia.

Xildhibaan Ahmet Berat Conkar, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Cadaalada iyo Horumarinta ee Turkiga (AK Party), ayaa ugu yeeray Gargash “hadaladiisa kuwo aan waxba ka jirin” iyo “nasiib darro”.

Waxa uu yiri ‘’waa nasiib darro in Gargash uu dusha saarto dhammaan dowladaha carabta, uma hadli karo carabta cidna kama aqbaleyso in fal ay sameysay Imaaraadka ku xal raadiso dowladaha carabta’’

Xildhibaanka ayaa yiri ‘’wasiir Gargash wuxuu kaliya ka hadli karaa waddanka uu matalo, waa inuu ogaadaa booskiisa marka la eego,”

Waxa uu intaa raaciyay “waxaan leenahay saaxiibo badan oo wadamada Carabta, waxaan la shaqeyneynaa wadamo badan oo Carabta ah, sidaa aawgeed ma dhihikaryo dowladaha carbeed, keliya haka hadlo tan imaaraadka’’

Docda kale, dowlada Turkiga ayaa aad uga careysan faragalinta ay dowlada Imaaraadka ku heyso Madaxbanaanida Somalia, waxa uuna dagaalka labada dowladood u muuqdaa mid ay Turkiga ku garabsiineyso Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com