Xildhibaanada BFS oo dood xasaasi ah ka yeelanaaya Heshiiska Dekeda Berbera

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horeeyay ku yeelanaya xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, kadib furitaanka Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka.

Guddoonka BFS ayaa shalay Xildhibaanada baarlamaanka u kala diray fariimo lagu wargalinaayo in manta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalbaday inay ku yimaadaan wakhtiga lagu balamay.

Kulanka oo xiiso gaara leh ayaa waxa uu ajandihiisu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay dhinac u tuuraan Heshiiskaas oo muranbadan ka dhex abuuray Dowlada Somalia, Imaaraadka iyo Maamulka Somaliland oo xubin ka ah maamulada ka jira dalka.

Geesta kale, Xildhibaanada ayaa laga filankaraa inay kasoo horjeestan Heshiiskaas, iyagoo maalmihii tagay warbaahinta ku cadeynaayay Mowqifkooda oo ah in Dekadda Berbera aysan Heshiis gaara ku gali Karin Somaliland qura.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com