Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Shirka IGAD ee ka socda magaalada Addis Ababa.
Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ka ah Shirka ka socda Magaalada Addis Ababa oo si guud ula hadlaayay Madaxda Africa ayaa waxa uu ka dalbada inay siiyaan kalsooni si loo doorto.
Dalabka Madaxweyne Xasan ayaa waxaa aad ula yaabay Madaxda Africa ee qeybta ka ah Shirka kadib markii uu ku celcelshay inay siiyaan kalsooni dhanka Doorashada Somalia, waxa uuna intaa raaciyay in dib usoo laabashadiisa ay guul u noqon doonto, sida uu haddalka u dhigay.
Nuqul kamid ah haddalka Xasan Sheekh ayaa ahaa “Haddii leydoorto Madaxweynaha Somalia waxaan ballanqaadayaa inaan la imaan doono Isbedel muuqda waxa ayna guusheydu guul u tahay Somalia iyo guud ahaan Geeska Africa”
Dalabka Madaxweyne Xasan ayaa u muuqday mid uu kula qidaabayo Baarlamaanka Somalia ee dooran doona Madaxweynaha cusub ee Somalia, waxa ayna taa sababtay in Madaxda Africa ay is fiiriyaan maadaama qidaabka Xasan Sheekh uu ahaa mid aan khuseyn Madaxda.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku khalday Madaxda Africa ee qeybta ka ahaa Shirka IGAD iyo Baarlamaanka Somalia ee wax dooran doona.
Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa

