Arrin ku cusub lacagtii Bankiga Dhexe ee DF lagala baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online waxay shalay qortay war gaar ahaa oo ku saabsan in lala baxsaday lacag laga xaday Bankiga dhexe ee Soomaalida. Halkan ka aqri xogteena shalay.

Haddaba, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta xafiiskiisa shir saxaafadeed ku qabtay ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay lacagta bankiga dhexe lagala baxay.

Mudane, Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagta uu xaday mid kamid ah khasnajiyaasha Bankiga  ay dhan tahay $530,000. Kaas oo lagu magacaabo Muxiyadii Maxamed Xasan  (Muxiyadiin Santooni) isla markaana uu baxsaday ninkaas.

Guddoomiyuhu waxaa uu sidoo kale sheegay in ninkaas uu lacago been abuur ah uu Bankiga keenay isla markaana uu qaatay lacagtii rasmiga aheyd sidaasna ay ugu suuragashay in uu lacagtaas xado.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa waxaa uu shacabka Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan laamaha amniga uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa ninkaas burcadka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com