Qarax mas’uul lagu weeraray oo caawa ka dhacay Degmada..

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Qarax aad u xoogan uu caawa ka dhacay Suuq ku yaala degmada Baardheere.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa lagu weeraray Gudoomiyaha degmadaasi oo ku sugnaa goobta Qaraxa.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro aad u xoogan oo soo gaaray ilaalo uu watay Guddoomiyaha iyo dad shacab ah oo halkaasi ku ganacsanaayay.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayaa Qaraxa, waxaana lasoo warinayaa in Qaraxaasi uu burburiyay gaariga Guddoomiyaha, halka warar kaasi khilaafsan uu sheegayo in Guddoomiyaha qudhiisa ay waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa, inkastoo aan la xaqiijin warkaasi.

Ciidamada Degmada ayaa Qaraxa kadib halkaasi isku gadaamay, iyagoo xanibay isu socodka gaadiidka iyo dadka shacabka ah.

Howlgal aad u xoogan ayaa iminka ka socda goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyadoo wararku ay intaa ku darayaan in howlgalkaasi lagu qabtay dhalinyaro aad u farabadan.

Maamulka Degmada ayaan wali ka hadal Qaraxa iyo inta uu la egyahay saameynta uu geystay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com