Qarax ka dhacay xeebta LIIDO iyo rasaas xooggan oo la maqlayo

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax aad u culus uu ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay walxaha Qarxa.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaaya Qaraxa, waxa ayna wararka qaar ay sheegayaan in Qaraxa uu yahay mid lagu weeraray Hoteel cusub oo ku yaalla Xeebta Liido, halka warar kaasi ka duwan ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhacay afafka hore ee Hoteelkaasi ku yaalla xeebta Liido.

Qaraxa kadib ayaa waxaa halkaasi laga maqlay rasaas xoogan oo dhowr jiho laga soo riday, mana cadda xaqiiqda dhabta ah ee Qaraxaasi.

Gaadiidka ciidamada dowlada ayaa halkaasi ku qulqulaaya waxaana la soo warinayaa in qaraxa uu yahay mid aad u xoogan.

Warar kaasi kaduwan ayaa sheegaya in Qaraxa uu yahay mid ka dhacay inta u dhaxeysa Kawaanka Malaayga ee Xeebta Liido iyo Hoteel la yiraahdo Kokaneyd oo halkaa ku yaala.

La soco wararkeena danbe wixii halkaasi kasoo kordha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com