Madax-jabin iyo Qaraxyo ka dhex socda gudaha maqaaxida Banadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkani oo ahaa mid laga soo shaqeeyay ayaa wuxuu ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo la soo dhigay meel aan sidaasi uga fogayn maqaaxida Banadir Beach oo ku taala Xeebta Liido ee Degmada C/casiis ee Gobolka Banadir, waxaana xigay weerar toos ah oo lagu galay maqaaxidaasi.

Mid kamid ah Saraakiisha Hay’adaha amaanka DFS ayaa xaqiijiyay in maleeshiyaad hubeysan ay gudaha ugu jiraan maqaaxida Banadir Beach, waxa uuna sheegay in ciidamadu ay soo badbaadiyeen intabadan dadka shacabka ah ee gudaha ku jiray.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku biireen hawlgalka lagu doonaayo in lagu soo gaba gabeeyo weerarkaasi.

Gudaha maqaayadda waxaa wali laga maqlayaa rasaas ay is weydaarsanayaan ciidamada amniga iyo sidoo kale dableyda hubeysan ee gudaha u galay maqaayadda.

Maleeshiyaadka ayaa waxa ay adeegsanayaan Bamgacmeedyo ay ku jabinayaan qololka qaar oo ay isku xireen dad shacab ah, waxa ayna sidoo kale gudaha Maqaaxiga ka dhexwadaan dilal u badan madaxjabin.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa ku sugan halkaasi kuwaa oo daabulaya dadka waxyeellada ay kasoo gaartay weerarkaasi.

Xilligii uu weerarku dhacaayay, ayaa waxaa maqaaxida Banadir Beach iyo maqaaxiyadaha kale ee ku dhow dhow ka cunteenaayay dad shacab ah.

Ma jirto wax war ah oo wali kasoo baxay Hay’adaha amniga dowlada Somalia ee ku shaqada leh arrimaha noocaani ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com