Arag sawirro: Ninkii isku qarxiyey Banadir Beach badbaaday lana…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Nabadsugidda Gobalka Banaadir Cabdi Fareey ayaa sheegay in Nolasha ay ku qabteen mid kamid ah Maleeshiyaadkii weeraray Maqaayadda Banaadir Beach,islamarkaana hada su’aalo la weydiinayo.

Taliye Cabdi Fareey ayaa Sheegay in Ninka laqabtay uu ahaa ninkii Kaxeynayay Gaariga Qaraxyada laga soo buuxiyay ee lagu weeraray Maqaayadda Banaadir Beech, kaas oo laga dhex qabtay isagoo dhaawac ah burburka Gaariga ku Qarxay Albaabka hore ee Maqaayadda.

“Dhaawac ayaan ku qabanay hadda Cisbitaalka ayaan ku heynaa, waa ninkii gaariga qarxay waday, waan daweyneynaa Su,aalana waan weydiineynaa”

Taliyaha Ayaa hadalkiisa ku daray in wali howlgalku socdo, isla markaana wali aan lakala Caddeyn karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo iskugu jiray Qaraxyo iyo rasaas isla socday.

Waa markii ugu horreysay ee qof is-miidaamiye ah uu ka badbaado qaraxii uu ugu talo-galay inuu isku haligo, lana qabto.
q2

q3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com