Gedo: Qarax ay mas’uuliyiin iyo saraakiil sare ku dhaawacmen

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Ged, kaasi oo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada oo uu ku jiray Guddoomiyaha Degmada.

Qaraxa ayaa ahaa mid lala eegtay goob uu ku sugnaa Guddoomiyaha Degmada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 9 Ruux oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, Saraakiil ciidan iyo Gudoomiyihii degmada Baardheere.

Dadka kale ee Qaraxa ku dhaawacmay ayaa u badnaa Askartii la socotay Gudoomiyaha Degmada sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo culus.

Qaraxa kadib Ciidanka amaanka ayaa waxa ay bilaabeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo inkastoo aysan jirin Howlgaladaasi wax dad ah oo lagu soo qab qabtay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Baardheere oo ku aadan Qaraxa iyo dhaawaca kasoo gaaray Guddoomiyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com