XOG: Yaa xasuuqay dadkii ugu badnaa ee ku dhintay weerarkii LIIDO

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii cuslaa ee ka dhacay Maqaaxida Banaadir Beach ee ku taalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay dad aad u farabadan oo shacab ah, kuwaasi oo ay laayen ciidamada ilaalada ka ah Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho kuna dhow Xeebta Liido.

Ciidamada Safaarada ayaa la sheegay inay xasuuqeen dadka ugu badan ee ku dhintay Banaadir Beach, waxaana la sheegayaa in ciidamadu ay dhexbartanka laamiga la fadhiisteen Hubkooda, isla markaana rasaas ooda kaga qaaden dadkii kasoo baxsaday gudaha Maqaaxida Banaadir Beach ee u kala gooshaayay labada dhinac ee laamiga.

Ciidamada oo lagu wargaliyay in dadka ay dilayaan ay yihiin dad shacab ah, ayaa diiday inay joojiyaan rasaasta, sida uu sheegay Sargaal kamid ahaa dadkii ku cararay Banaadir Beach Qaraxa kadib.

Rasaasta ay ridayeen ciidamada ilaalada ka ah Safaarada Turkiga ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa Afar ruux oo shacab ah, sidoo kalane ay ku dhaawacmeen Shan kale oo u badnaa dadkii kasoo cararay gudaha Maqaaxiga Banaadir Beach.

Safaarada Turkiga ayaa masaafa aad u yar u jirta dhismaha Banaadir Beach, waxa aysa dadku la yaaben sababta ka danbeysay in ilaalada Safaarada ay si dadban u caawiyaan maleeshiyaadkii weerarka ku qaaday Maqaaxida Banaadir Beach.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adaha amaanka DFS ayaan wali ka hadal dhibta ay geysteen ilaalada ciidamada Safaarada Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com