Wasiir si fool-xumo badan loogu khaarijiyay dalka..

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta caalamka ayaa baahisay in la khaarijiyay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee dawlada Bolivia Rodolfo Illanes.

Wasiir Rodolfo Illanes, ayaa la khaarijiyay kadib markii ay qafaasheen qaar kamid ah shaqaalaha macdanta qoda, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda.

Dowlada Bolivia, ayaa sheegtay in dilka Wasiirka uu u dhacay qaab fool-xun isla markaana ay aad ula yaaben sida wuxuushnimada ah ee loo khaarijiyay Wasiirka.

Dowlada Bolivia ayaa sheegtay in dilka Wasiirka ay kusoo baraarugtay wakhti danbe maadaama uu ahaa mid waayihii danbe ka mashquulsanaa Xafiiskiisa.

Dowladu si dhab ah uma aysan faafaahin dilka Wasiirka markii laga reebo qaabka foosha xun ee loo khaarijiyay Wasiir Rodolfo Illanes.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com